Golaha Aqalka Sare oo marsiiyaya Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka shirkadaha

Muqdisho:- Talaado 23, Luulyo 2019.

Kulankii 12aad ee kalfadhiga 5aad oo uu yeeshay Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka dhacay Xarunta Aqalka Sare BFS ayadoo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi .

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha.

Golaha Aqalka sare ayaa Akhrinta 1-aad Marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha.Waxaana soo xaadiray 29 xubnood, sidoo kale waxaa waxaa kulanka goob joog ahaa labada guddomiye ku-xigeeno.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka hor akhriyay warbixinta Akhrinta 1aad ee Hindise sharciyadedka Shirkadaha. Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.