Guddiyada Joogtada ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Casho sharaf si wdaajir ah u yeeshay

Muqdisho:-22, Luulyo 2019

Caawa waxa casho sharaf wada yeeshay Guddiyada Joogtada ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ujeedku waxa uu ahaa xoojinta wada-shaqeynta labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaana goob joog ka ahaa gudoonada labada Gole ee Baarlamaanka, si loo xoojiyo wadashaqaynta labada dhinac. Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo
Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa labaduba qiray sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta labada Gole, waxaana kulanka laga soo jeediyey in gudiyadu si wada jir ah u wada hawlgalaan.

Kulanka ayaa laga soo jeediyey in la sameeyo xeer hoosaad mid ah oo Baarlamaanku yeesho, ayna ka wada shaqeeyaan diyaarinta xeerarka, si hawl qabadka Baarlamaanka loo xoojiyo