Golaha Aqalka Sare ayaa kulankii 11aad ee kalfadhiga 5aad, Ka dooday Ajendaha :Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dawladda

Golaha Aqalka Sare ayaa kulankii 11aad ee kalfadhiga 5aad ,ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare BFS ayadoo uu shir Guddoominaayo Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi qeeybta hore ee kulanka.

Waxaa soo xadiray 30 Senatar ,kulanka ayeey senataraad qaar fikirkooda ku aadan ,”Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada” ka dhiibteen.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa:

  1. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dawladda:

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo dhaweeyay Golaha Xoghayaha Guddiga Xeer-hoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda, & Daryeelka Senatarada ee Golaha Aqalka Sare si uu Golaha uga hor akhriyo warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Xoghayaha Guddiga Xeer-hoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda, & Daryeelka Senatarada ee Golaha Aqalka Sare  Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa Golaha ka hor akhriyay warbixinta  Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Xoghayaha Guddiga ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay marxaladaha uu soo maray Hindise Sharciyeedkan waxuuna sheegay in Hindise-Sharciyeedka Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda uu soo gaaray Golaha Aqalka Sare 29 Diseembar 2018. Xogayaha Guddiga ayaa sheegay in   akhrinta kowaad la marsiiyay 21 Maajo 2019.

Xogahayaha Guddiga ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare 21/05/2019 si rasmi ah ugu soo gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Guddiga Xeer-hoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda, & Daryeelka Senatarada ee Golaha Aqalka Sare BFS si waafaqsan Qod.45aad (1) ee Xeer Hoosaadka Aqalka isaga oo ka codsaday Guddiga in ay uga howl-galaan Hindise-Sharciyeedka sida ugu dhakhsiyaha badan isla markaasna marsiiyaan habraaca Shuruucda ee Golaha.

Xogayaha Guddiga ayaa xusay in 24/06/2019 iyo 25/06/2019 Guddigu yeeshay kulamo uu kaga hadlayo hindise sharciyeedka isaga oo qodob qodob u akhriyay qabyo-qoraalka Hindise Sharciyeedka.

Senator Bilaal Idiris ayaa tilmaamay Ka dib markii Guddigu uu darsay hindise sharciyeedka, in uu  go’aan ku gaaray in hindise-sharciyeedka kor ku xusan uusan u baahneyn in wax ka beddel lagu sameeyo wuxuuna sheegay in Guddigu soo jeedinayo Fadhiga Guud ee Golaha Aqalka Sare uu sidiisa ku aqbalo maadaama sharcigaan loo sameeyay baahi iyo duruufo meel mar ah awgood.

Xogayaha Guddiga ayaa xusay in Guddigu u mahad-celinayo Xafiiska Xoghayaha Guud iyo Waaxda Shuruucda ee Aqalka Sare oo gacan ku siiyay Guddiga in ay soo gebagebeeyaan howsha dib u eegista hindise-sharciyeedka.

Intaa kadib, Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa gudagalay ka doodista Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dawladda. Intii lagu guda jiray doodda Golaha , Senatorada Sharafta leh waxay soojeediyeen talooyin wax-ku-ool ah oo ku aadan Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dawladda.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare oo shir Guddoominaayay qeybtii danbe ee kulanka Golaha  ayaa u mahadceliyey Guddiga Xeer-hoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda, & Daryeelka Senatarada  ee Golaha Aqalka Sare.