Kulakii 19aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Ajendaha ;Akhrinta 2aad ee Sharciga Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

Muqdisho:- 01.12.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 19aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 2aad ee Sharciga Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor Akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.
Intaa ka dib ayaa Wasiirka wasarada Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan howl-wadeeno ka socday wasaradda maaliyadda ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare
Waxa laweeydiiyay Su’aalo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka Waxa uuna ka jaawabay sualihi ay weeydiyeen Senatarada.


Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad oo shegay in dooda akhrinta 2aad ee sanatarada lagu soo daro Sharciga