Golaha Aqalka Sare aya ansixiyay Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka

Muqdisho :- 03.12.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 20 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada
oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa  Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka
Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta
3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo
Qandaraasyada Qaranka.Waxaa Ogaalada 30 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.