Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka

Muqdisho :- 04.12.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeddinada sentarada.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.
Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.