Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa ka qayb galay Shirka 7-aad ee Sannadlaha ah ee Ururka Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Midrand ee Koonfur Afrika, xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika.
Shirka oo diiradda lagu saarayo casriyeynta hayβadaha Baarlamaannada, ayaa sanadkan halkudhiggiisu yahay βXoojinta Tallaabada Baarlamaannada ee Hirgelinta Wax-ku-oolka ah ee Heshiisyada Midowga Afrika iyo Mudnaanta Ajendaha 2063.β Shirka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeeynayaa sidii Xoghayeyaasha Baarlamaannadu u casriyeyn lahaayeen habraacyadooda shaqo, ugana jawaabi lahaayeen baahiyaha isbeddelaya ee hayβadaha iyo hoggaamintooda.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika, Mudane Dr. Fateh Boutbig, isagoo khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in maamullada baarlamaannadu ay laf-dhabar u yihiin joogteynta iyo wax-ku-oolnimada hayβadaha dimoqraadiyadeed. Waxa uu xusay in iskaashiga baarlamaannadu uu si weyn ugu tiirsan yahay xiriirrada hayβadeed ee isku xira Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada.
Ka-qaybgalka Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee madashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka, iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha u dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hayβadaha sharci-dejinta ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo casriyeynta maamulka baarlamaanka