Guddiga Kheyraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha & Gaadiidka.

Waajibaadka Guddigan waxaa ka mid ah:

1. Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo.

2. Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta Shuruucda la xiriirta hawshooda iyo waajibaadkooda.

3. Dalagga beeraha.

4. Dib–u-noolaynta Dhulka.

5. Waraabka.

6. Kalluumaysiga.

7. Ilaalinta noolaha Badda.

8. Ka hortagga kalluumaysiga Sharci darrada ah.

9. Dib-u-eegida Shurruucda la xiriira kalluumaysiga.

10. Xoolaha Nool.

11. Dejinta Shurruucda la xiriirta horumarinta, xannaanada iyo kobcinta xoolaha.

12. Farsameynta iyo tayaynta wax soo saarka xoolaha nool.

13. Soo saarista, Horumarinta iyo dayactirka calafka xoolaha Nool.

14. Horumarinta ganacsiga xoolaha.

15. Horumarinta baarista aqoonta la xiriirta xoolaha.

16. Horumarinta caafimaadka xoolaha.

17. Ilaalinta bii’adda, badda, berriga iyo hawada sare.

18. Ilaailnta Duurjoogta.

19. Dejinta Shuruuc la xiriirta ka faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ah.

20. Dib-u eegista iyo la socodka Shuruucda la xiriirta kheyraadka sida: Shidaalka, Macdanta iyo Biyaha.

21. Dhismaha iyo ilaalinta waddooyinka,

22. Dhismayasha Dowladda.

23. Dhismaha Gegida Diyaaradaha iyo Dekedaha.

24. Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

25. Tamarta (Korontada, Qorraxda, Biyaha, Shidaalka, dabeysha Iwm).

26. In labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka Sare.

27. Xirriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Dukumintiyada Guddiga

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024