Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira arrimaha dibedda, qorshaynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira arrimaha dibedda, qorshaynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo
Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta Shuruucda la xiriirta hawshooda iyo waajibaadkooda.
Xirriirka Caalamiga ah.
Heshiisyada iyo Axdiyada Caalamiga ah.
Arrimha Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha JFS.
Qurbo joogta.
Qaxootiga Dibadda ku nool.
La socodka Xiriika iskaashiga dhaqan dhaqaale ee aan la leenahay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah.
La socodka barnaamijyada Hormarineed ee dalka.
U kuurgelidda deeqaha la siiyo dalka iyo in si cadaalad ah loogu qeybiyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Hubinta iyo iswaafajinta qorshaha Qaranka & barnaamijyada hormarineed ee dalka.
Hubinta iyo dabagalka in si sax ah loo fuliyay Mashaariicda hormarineed ee dalka loo dajiyay.
Dhaqngelinta soo jiidashada maalgeshadeyaasha Gudaha iyo dibedda iyadoo loo sameynayo Shuruuc gaar ah oo fududeynaya maalgeshiga dalka.
Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka Sare.
Xirriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.
Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia
Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm