Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Bani’aadanimada, Warfaafinta Iyo Dhaqanka.

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira horumarinta adeegga bulshada, arrimaha bini’aadannimada, warfaafinta iyo dhaqanka.

Waajibaadka Guddigan waxaa ka mid ah:

  1. Inay uyeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo.
  2. Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta shuruucda la xiriirta hawshooda iyo waajibaadkooda.
  3. . Caafimaadka bulshada.
  4. Siyaasadda caafimaad Qaran.
  5. Daryeeelka Caafimaadka iyo caymiska.
  6. Waxbarashada hoose iyo tan sare.
  7. Gargaarka bani’aadanimo ay ka mid yihiin sida loo maareynayo abaaraha iyo masiibooyinka kale.
  8. Tababarka xirfadaha iyo waxbarashada aan rasmiga aheyn.
  9. Saynsiga & Arrimaha Tiknoolajiyada.
  10. Hormarinta dhaqanka.
  11. Arrimaha shaqada.
  12. Ururada Bulshada.
  13. Arrimaha Dhallinyarada.
  14. Arrimaha Isboortiga.
  15. Warfaafinta iyo wacyigelinta.
  16. . Siyaasada warbaahinta.
  17. Warbaahinta Qaranka (SNTV, Radio Mogadishu iyo SONNA).
  18. Xuquuqda daabacaadda iyo xuquuqda lahaansho fikir.
  19. In labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo Gudbiyaan Aqalka Sare.
  20. Xirriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.