Guddiga Difaaca iyo Amniga

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira amniga iyo difaaca Qaranka

Waajibaadka Guddiga Amniga iyo Difaaca waxaa ka mid ah:

  1. Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo.
  2. Hub ka dhigista dadweynaha.
  3. Dhaqan celinta maleeshiyooyinka.
  4. Illaalinta Xuduuda Dalka.
  5. La socodka la dagaalanka tahriibka, maandooriyayaasha, burcadda barriga iyo tan badda.
  6. La socodka la dagaalanka kooxaha argagixisada.
  7. Guddigan wuxuu korjoogtaynayaa Guddiga Amniga Qaranka.
  8. La socodka Arrimaha socdaalka iyo jinsiyidda.
  9. La socodka Arrimaha Ciidanka xooga dalka, Boliiska, nabad sugidda iyo asluubta.
  10. La socodka Qorshaha Qaran ee amniga iyo xasilinta dalka.
  11. Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka Sare.
  12. Xiriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.