GUDDIGA DHAQAALAHA, MALIYADDA, GANACSIGA, WARSHADAHA, ISGAARSIINTA IYO DALXIISKA
Aqalka Sare • Guddiyada

GUDDIGA DHAQAALAHA, MALIYADDA, GANACSIGA, WARSHADAHA, ISGAARSIINTA IYO DALXIISKA

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska.

Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
1 / 7
Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
Xubin
Ku saabsan Guddiga

Ujeeddada Guddiga

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska.

Waajibaadka

Arrimaha Hoos Imaanaya Guddiga

1

Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo.

2

Ka tala bixinta iyo u kuurgelidda siyaasada Ganacsiga Dalka.

3

Ka tala bixinta iyo u kuurgelidda Siyaasadda Horumarinta Warshadaha.

4

U kuurgalka Shuruucda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee ganacsiga (Patent rights).

5

U kuurgelidda dhammaan hawlaha Hay’adaha Maaliyadda ee dowladda.

6

U kuurgalka shuruucda ilaalinta tayada ganacsiga la soo waarido iyo nooca wax soo saarka Warshadaha (quality control laws).

7

Ka tala bixinta siyaasada Warshadaha.

8

Ka tala bixinta siyaasada Isgaarsiinta.

9

Ka tala bixinta siyaasada Dalxiiska.

10

In labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka Sare.

11

Xiriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.