Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska.
Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska.
Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo.
Ka tala bixinta iyo u kuurgelidda siyaasada Ganacsiga Dalka.
Ka tala bixinta iyo u kuurgelidda Siyaasadda Horumarinta Warshadaha.
U kuurgalka Shuruucda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee ganacsiga (Patent rights).
U kuurgelidda dhammaan hawlaha Hay’adaha Maaliyadda ee dowladda.
U kuurgalka shuruucda ilaalinta tayada ganacsiga la soo waarido iyo nooca wax soo saarka Warshadaha (quality control laws).
Ka tala bixinta siyaasada Warshadaha.
Ka tala bixinta siyaasada Isgaarsiinta.
Ka tala bixinta siyaasada Dalxiiska.
In labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka Sare.
Xiriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.
Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia
Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm