Guddiga La Socodka Dib-u-eegista, Dhaqangelinta Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.
Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumadda iyo hindiseyaasha sharci ee la xiriira dib-u-eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka
‎1.‎ Guddigani waxay shaqo joogto ah wada yeelanayaan Guddiga kale ee ‎Dastuurka Golaha Shacabka Iyadoo la tixgalinayo sida ku cad qodobka 133 ee ‎Dastuurka kumeelgaarka ah, Guddiga La Socodku wuxuu: ‎
b) u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo. ‎
t) Kormeerayaa, farayaa, ansaxinayaana hawlaha Guddiga dib-u-eegista iyo ‎dhaqangalinta Dastuurka iyo guud ahaanba ku dhaqanka Dastuurka. ‎
j) Xilliyada qaarkood fari karaa Guddiga Dib-u-eegista iyo Dhaqangalinta ‎Dastuurka mashruuc qoraal Sharci iyadoo lagu saleynayo baahida ‎Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. ‎
x) Dib-u-eegayaa qabyo qoraalada wax ka bedelka Dastuurka ama Hindise ‎Sharciyeedyada iyo warbixinadda ku lifaaqan ee ka timid Guddiga Dib-u-‎eegista iyo Dhaqan galinta Dastuurka.
‎ Kh) Ogeysiiyaa dadweynaha wixii soo jeedin ah. ‎
d) Intii suurtogal ah, sugayaa in ay jiraan fursado ku filan ka qeyb-galka ‎doodda daweynaha. ‎
r) La tashanayaa xubnaha ka socda dadweynaha. ‎
s) Hubinyaa in xubnaha ka socda dadweynaha ay haystaan fursado ku filan ‎oo ay kusoo bandhigi karaan fikirkooda iyo aaraadooda Guddiga isku-‎dhafka ah. ‎
Sh) La hadlayaa Baarlamaanka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka isla ‎markaana ku biiriyo fikirka qoraallada ka yimaada xubnaha Dowladaha ‎xubnaha ka ah Federaalka Federaalka ka midka ah talo soo jeedinta wax ka ‎beddel haddii ay arrinta khuseyso danaha dowladda xubinta ka ah ‎Dowladda Federaalka. ‎
Dh) Kormeerayaa dhaqan gelinta mabaadii’da Federaalka Soomaaliya. ‎
c) Warbixin siinayaa Golaha ugu yaraan hal jeer sedexdii biloodba. ‎
g) Qabanayaa wixii hawl kale ah ee Dastuurka ku meel gaarka ah iyo ‎Sharciga Federaalka ah farayo. ‎
f) Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka. ‎
q) Xiriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso ‎waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.‎
 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia
Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm