Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Senatarrada Aqalka Sare ee BJFS
Aqalka Sare • Guddiyada

Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Senatarrada Aqalka Sare ee BJFS

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha laxiriira xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka Senatarrada

Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
1 / 4
Sen. Cabdiweli Maxamed Ibraahim
Guddoomiye
Ku saabsan Guddiga

Ujeeddada Guddiga

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha laxiriira xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka Senatarrada

Waajibaadka

Arrimaha Hoos Imaanaya Guddiga

1

b) Inay uyeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo

2

t) Guddigan waa in uu yeeshaa la-taliyeyaal Sharci

3

j) Lixdan (60) cisho gudahood xilliga la dhiso Guddigaan ka dib ee lagu jiro kal-fadhiga kowaad, waqti waa in loo qoondeeyo tixgalinta Xeer-hoosaadka sida uu Guddigan soo jeediyo.

4

x) Soddon (30) cisho gudahood ee bilawga Kal-fadhi kasta ee Golaha Aqalka Sare, Guddigan wuxuu ka dooddayaa Hindisaha wax ka bedel ee Xeerka wuxuuna u gudbinayaa talo soo jeedintiisa Aqalka Sare si loo ansaxiyo.

5

Kh) Guddigan wuxuu tixgalinayaa arrimaha la xariira Xasaanadda xubnaha wixii talo soo jeedin ahna u gudbiyaa Golaha.

6

d) Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira luminta xubinnimada ee Aqalka Sare sida ku cad qodobka 59aad ee Dastuurka ku meel gaarka.

7

r) Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marin ee laga qaadayo xubin ka tirsan Aqalka Sare sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xadgudubka Xeer-hoosaadka Golaha.

8

s) Guddigan wuxuu soo jeediyaa tallaabooyinka maamul ee lagu xoojinayo hab-dhaqanka iyo anshaxa xubnaha.

9

Sh) Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah usoo gudbiyaan Golaha Aqalka Sare

10

Dh) Xirriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kalabdhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.