Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib- u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo xirriirka DXDF.
Aqalka Sare • Guddiyada

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib- u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo xirriirka DXDF.

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Sen. Deka Xasan Xuseen
1 / 6
Sen. Deka Xasan Xuseen
Guddoomiyaha Guddiga
Ku saabsan Guddiga

Ujeeddada Guddiga

Guddigaan wuxuu u qaabilsan yahay Golaha Aqalka Sare siyaasadaha, la xisaabtanka xukuumada iyo shuruucda ee la xiriira arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Waajibaadka

Arrimaha Hoos Imaanaya Guddiga

1

Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo.

2

Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta Shuruucda la xiriirta hawshooda.

3

Katala bixinta iyo la socodka Arrimaha DXDF si waafaqsan Dastuurka.

4

Katala bixinta xiriir wanaaga hoggaanka dhaqameedyada iyo Maamuladda Gobolada iyo degmooyinka.

5

Wuxuu la soconayaa kor joogteynayaana habsami usocodka hawlaha Guddiga xaqiiqo raadinta iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku xusan Dastuurka.

6

Wuxuu la soconayaa kor joogteynayaana habsami usocodka hawlaha Guddiga Qaranka Xuduudaha iyo Federaalka.

7

Wuxuu la soconayaa kor joogteynayaana habsami usocodka hawlaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

8

Wuxuu daraasad ku soo sameynayaa talana ka soo bixinayaa dhulka iyo hantida qaranka la haysto iyo midda gaar ahaaneed ee Sharci darrada lagu kala haysto.

9

Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan Aqalka Sare

10

Xiriir kasta oo Guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.